| Лингва: сомалийский – 1000 |
| 1 | Madaxweynaha Maamulka Puntland saciid Cabdullaahi Deni oo dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu kulamo joogto ah la leeyahay xubno kala duwan kuwaasi oo ka mid ah laamaha Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya. Saciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha Maamulka Puntland waxaa uu shalay la hadlay Xubnaha aqalka sare kuwaasi oo uu uga jawaabay Su'aalo kala duwan oo ay weeydiiyeen, sidoo kale waxaa uu kulan la qaatay Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia qaarkood, waxaa uu gurigiisa ku booqday Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud oo ay wehliyaan Shariif xassan Shiikh Aadan. Siyaasi Khaalid Cabdi Ibraahim ayaa waxaa uu qabaa in Saciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha Maamulka Puntland uu qabanaayo howshii uu ka gaabiyay Madaxweynaha Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaas oo looga baahnaa in uu xuuraansado dhinacyada siyaasada si loo hagaajiyo Siyaasada Guud ee Dalka. Saciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa waxaa uu u muuqdaa shaqsi xuuraansanaayo Saamileeyda Siyaasada. |
Комментарии